HomeUncategorized

Ciidamada Koonfurta Kuuriya ka jooga Biyaha Somalia oo waqtiga loo kordhiyay

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Guddiga Difaaca ee Barlamaanka dalkaasi waxa uu muddo hal sanno ugu kordhiyey Xilli-hawleedka Ciiddankooda Badda ee kala jooga Xeebaha dalalka Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxaana ay muddadaasi ka bilaabanaysaa bisha Janaayo 1-da ee sannadka soo socda ilaa bisha December 31-da ee isla sannadka soo socda ee 2016-ka.

Caawa iyo Daljir ,Isniin, April, 8-2013, Cabdi Xasan Rooble ( Awoowe )
Madaxweynaha Puntland oo Jariiban lagu soo Dhaweeeyay
Boqor C/llahi boqor Muuse oo ka tacsiyaynaya geerida marxuum C/llahi Yusuf Axmed.

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Guddiga Difaaca ee Barlamaanka dalkaasi waxa uu muddo hal sanno ugu kordhiyey Xilli-hawleedka Ciiddankooda Badda ee kala jooga Xeebaha dalalka Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxaana ay muddadaasi ka bilaabanaysaa bisha Janaayo 1-da ee sannadka soo socda ilaa bisha December 31-da ee isla sannadka soo socda ee 2016-ka.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi ee ka hawlgala Badda Somalia waxay hawlahaasi bilaabeen sannadkii 2009-kii, waxaana Ciiddankaasi wehliya Markab nooca wax burburiya oo culayskiisu dhan yahya 4,500 oo Tan.

Waxayna Ciiddankaasi qeyb ka yihiin Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Ku-dhawaad 150 Askari oo ka tirsan Mariniskadalkaasi ayaa waxay ku sugan yihiin Bariga dalka Imaaraadka, kuwaasi oo tababar siiya Ciiddanka Gaarka ee dalkaasi.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: