HomeUncategorized

Xasan Shekh : Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay Qeyb weyn ka Qaataan Sugidda Amniga dalka

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada iyo Xuseen Madar.
DHEGEYSO-Boobka lagu hayo agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe oo laga digey.
Dowladda Somalia oo War ka soo Saartay shir looga Hadlayay Maaliyadda dalka

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska, kadibna khudbad ka jeediyay munaasabadda. 
Waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.

“Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

‘’Waxqabadka aan maanta halkan ku soo bandhigteen waxaa uu ka marag kacaya baahida loo qabo in bulshadu ay ka warhayso waxa ay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan hay’adaha dowladda iyagoo adeegsanaya qalabka warbaahinta inay waxqabadkooda bulshada u soo bandhigaan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira dhalino hawlaha qaran ee aynu hayno’’.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: