Boqor C/llahi boqor Muuse oo ka tacsiyaynaya geerida marxuum C/llahi Yusuf Axmed.

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raaijcuun.
Boqor C/llaahi Boqor Muuse ayaa tacsi u diraya Madaxwynihii hore Somaliya Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku geeriyooday magaalada Dubai ee isutaga Imaraatka xallay oo taariikhdu ku beegneyd 23.03.2012

Boqor C/laahi Boqor Muuse oo ku hadlaya magaca dhaqanka beelaha Daarood ayaa uga tacsiyeynaya geeridaas guud ahaan ummadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Cabdullahi Yusuf Ahmed.

Sidoo kale Boqor C/laahi ayaa Eebbe ugu baryay inuu kitaabkisa midigta ka siiyo, uuna ka waraabiyo janatul fardowsa. AAMIIN!

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf ayaa ahaa siyaasiyiinta ugu caansan ee Soomaaliya, ayaa kaalin weyn ka qaatay nabad kusoo dabaalida xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya.

Boqor C/laahi boqor muuse

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com