Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Runirgood & howlgallo socda

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Runirgood & howlgallo socda

Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deganka ayaa kaabiga ku haya degaanka runirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe iney la wareegaan kadib howlgallo ay ciidamadu maalmahan ka wadeen degaano u dhow degaanka Runirgood oo kamida degaannada muhiimka u ah Al-Shabaab ahna degaanka kaliya ee gobolka Shabellaha dhexe ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Janaral Cali Caraye CosobleGgacmadulle oo kamida sarakiisha dagaalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidamada dowlada uu waajibkoodu yahay in degaannada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka saaraan kuna mahadsan yihiin dadaaladii ay horay u soo bixiyeen.

Sidoo kale Janaraalka ayaa ugu baaqay xubnaha weli ka bar bar dagaalamaya Al-Shabaab iney isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda Soomaaliya welina ay fursad u heystaan inay isaga soo tagaan.

Guud ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa Al-Shabaab laga saaray inta aan ka aheyn degaanka Runirgood oo hadda ay kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka degaanka ee hubka qaatay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com