Wariye Coldoon oo Xabsiga laga siidaayay

Wariye Coldoon oo Xabsiga laga siidaayay

Waxaa goordhow Xabsiga Dhexe ee kuyaalla Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland laga sii daayay Wariye Cabdi Muuse Coldoon oo muddo laba sano ah u xirnaa Xukuumadda Somaliland.

Wariyaha ayaa dhameystay muddadii laba sannadood ee maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ku xukuntay, waxaana isaga oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa uu u mahad celiyay Hooyadiis iyo cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa.

Wuxuu sheegay in sababaha uu u xirnaa ay aheyd in Xukuumadda Somaaliland ay ku eedeysay in uu aflagaadeeyay Dugsiga Abaaso ee kuyaalla Magaalada Hargeysa iyo arrrimo kale.

Dhowr jeer ayay Ciidamada Somaliland xireen Wariye Coldoon, iyaga oo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo arrimo kale, wuxaana dhowr jeer sidoo kale lagu soo daayay cafis Madaxweyne.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com