Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Runirgood & howlgallo socda

HomeWararka

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Runirgood & howlgallo socda

Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deganka ayaa kaabiga ku haya degaanka runirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe iney la wareegaan kadib howlgallo ay c

MADAXWEYNE DENI OO CABDIRISAAQ CALI SACIID U MAGACAABEY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI
MAXAY TAHAY SABABTA UU ISKU CASILEY MAXAMED AXMED XARAF?
Madaxa Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo ka Hadlay Safarkiisa Puntland (dhegayso)

Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deganka ayaa kaabiga ku haya degaanka runirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe iney la wareegaan kadib howlgallo ay ciidamadu maalmahan ka wadeen degaano u dhow degaanka Runirgood oo kamida degaannada muhiimka u ah Al-Shabaab ahna degaanka kaliya ee gobolka Shabellaha dhexe ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Janaral Cali Caraye CosobleGgacmadulle oo kamida sarakiisha dagaalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidamada dowlada uu waajibkoodu yahay in degaannada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka saaraan kuna mahadsan yihiin dadaaladii ay horay u soo bixiyeen.

Sidoo kale Janaraalka ayaa ugu baaqay xubnaha weli ka bar bar dagaalamaya Al-Shabaab iney isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda Soomaaliya welina ay fursad u heystaan inay isaga soo tagaan.

Guud ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa Al-Shabaab laga saaray inta aan ka aheyn degaanka Runirgood oo hadda ay kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka degaanka ee hubka qaatay

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: