Ciidamada dowladda Federaalka oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Ciidamada dowladda Federaalka oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Janaanay oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayaa dhowr jeer degaankaan kala wareegay Al-Shabaab, waxaana ay Al-Shabaab kala wareegeen Sanadkii 2016-kii walow ay dib uga soo baxeen.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com