Dabley hubaysan oo xalay rasaas ku furay dad ku caweynayeey makhaayad ku taala Mareergur

HomeWararka

Dabley hubaysan oo xalay rasaas ku furay dad ku caweynayeey makhaayad ku taala Mareergur

Dabley hubaysan ayaa xalay weeraray tuulada Mareergur oo dhaw magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, tuuladaasi oo ku taalla waddada laa

Madaxweynihi hore ee Somaaliya oo ka hadlay dib u dhaca dacwada badda Somaaliya & Kenya (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso ( dhegayso | daawo )
MAANKA DADWEYNAHA & MAYKARAFOONKA DALJIR | SAKARIYE CABDILAAHI, DALJIR XARFO (daawo)

Dabley hubaysan ayaa xalay weeraray tuulada Mareergur oo dhaw magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, tuuladaasi oo ku taalla waddada laamiga ah ee xiriirisa Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Goob lagu caweeyo oo ku taalla tuulada Mareergur ayay raggaasi hubaysan rasaasta la beegsadeen, waxaana ku dhaawacmay 6 dhallinyaro ah oo sida naloo xaqiijiyey ay ku jirto gabar yar oo 5 jir ah.

Dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa la soo gaarsiiyey isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo haatan naloo xaqiijiyey hal qof oo dhaawicii ka mid ah in uu geeriyooday.

Weerarkaan ayaa sida naloo sheegay daba socda dil maanta ka dhacay deegaanka Qalaanqal oo ka mid ah dhulka miyiga ah ee gobolka Galgaduud, kaasoo salka ku hayey aanooyin qabiil iyo urtumo muddo dhexyaallay xoolaley ka soo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dhinac kale fiidnimadii xalay ayaa la maqlayey hub culus oo ka dhacayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo ay fadhi ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala, mana jiraan masuuliyiin dawli ah oo weli ka hadlay arrinkaasi, hase ahaatee waxaa naloo sheegay in ay garoonka weerareen Alshabaab.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: