Ciidamada dawladda federaalka, AMISOM iyo kuwo Galmudug  dagaal kula galay Alshabaab deegaanno koonfurta ka xiga Dhuusamareeb.

HomeWararka

Ciidamada dawladda federaalka, AMISOM iyo kuwo Galmudug dagaal kula galay Alshabaab deegaanno koonfurta ka xiga Dhuusamareeb.

Dagaallo xooggan ayaa maanta ka dhacay deegaanno dhawr ah oo dhinaca koonfureed uga toosan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, dagaal

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Arday Dhamaysay Dugsiga Hoose oo Shaahadooyin la gudoonsiyeey Cabudwaaq (dhegayso)
Madaxweyne Xaaf,”Wasiirkii La Kulma Beesha Caalamka Xilka Waa Ka Xayuubinayaa” (dhegayso)

Dagaallo xooggan ayaa maanta ka dhacay deegaanno dhawr ah oo dhinaca koonfureed uga toosan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, dagaalladaasi oo u dhaxeeya ciidamada dawladda federaalka ee Soomaaliya ee fariisinnada ku leh gobolka Galgaduud, AMISOM iyo ciidamada Galmudug oo isku dhinac ah iyo Alshabaab.

Dagaallada oo ka dhacay illaa saddex fariisin oo Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanno koonfurta ka xiga Dhuusamareeb, qaarkoodna ay tuulooyin yihiin, ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay khasaare dhismasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dirirtaasi ay u dhaxaysay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin kharaasha dhabta ah ee dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed midna.

Wasaaradda amniga maamulka Galmudug oo war qoraal ah ku daabacday barteeda Facebook, ayaa sheegtay dagaalladaasi maanta dhacay, welina socda galabta in Alshabaab looga itaal-roonaaday, dhimashana ay ka carareen, lagana saaray meelihii lagu dagaallamay oo ay ka midyihiin Miirduugle, Bulucle, iyo Ceel Cali Mire, hase ahaatee ma jiro war ka madaxbannaan midka dawladda oo muujinaya sida wax u dhaceen illaa hadda, waxaana jira tiro dhaawacyo askareed ah oo la soo gaarsiiyey isbitaalka magaalada Dhuusamareeb.

Meelaha lagu dagaallamay maanta ayaa qaarkood aad ugu dhawyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, una jira wax ka yar 30KM, deegaannadaasi oo muddo ay maamulayeen Alshabaab, fariisimana ay ku lahaayeen.

Dagaalladaan ayaa imaanayaa kadib markii dhawr habeen oo isku dhadhawaa Alshabaab madaafiic ay ku wareerareen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, inkastoo aan wax khasaare ah oo ka dhashay la soo sheegin.

Saraakiisha dawladda ee dhinaca amniga ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in ay warbaahinta la hadlaan, kana xog-warramayaan dagaallada maanta dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Diiwaanka Wararka

Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: