Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha oo kormeeray mashruuca ballaarinta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

HomeWararka

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha oo kormeeray mashruuca ballaarinta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur g

Fananad Sahro Axmed Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay
Arday Abaalmarino la gudoonsiyaay Magaaladda Qardho (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bossaso (dhegayso)

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka.

Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka.

Sii hayaha wasiirka Gaadiidka Cirka XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, kuna boorriyay in ay sii dardar geliyaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: