Ciidamada bada Puntland oo bur buriyay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Balikhadar

HomeWararka

Ciidamada bada Puntland oo bur buriyay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Balikhadar

Ciidamada bada ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay howlgal ay ka fuliyeen tuulada  Maraje oo qiyaastii 25 kmtr ujira  deegaanka Balikhadar  ee go

Madaxweyne Waare oo xil ka qaadis sameyeey
Gudoomiyaha Ahlusuna oo Ka Hadlay Koox Diimeedka Saaciduuna Bil-xaq (DHEGAYSO)
Waraysi: Muxuu salka ku hayaa safarka uu ku marayo Puntland aqoon yahan Faysal Rooble( daawo)

Ciidamada bada ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay howlgal ay ka fuliyeen tuulada  Maraje oo qiyaastii 25 kmtr ujira  deegaanka Balikhadar  ee gobolka Bari .

Ciidamada ayaa howlgalkan ku bur buriyay saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen  tuulada oo ay weerarada gaadmada ah ay kaga soo qaadi jireen ciidamada Puntland .

Malayshiyaadkii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa goobta ka baxsaday ,waxayna ciidamadu ay soo qaadeen qalabkii goobtaasi ay kaga carareen .

Majirto ilaa iyo hada wax dagaal  khasaare dhaliyay oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Malayshiyaadka Al-shabaab .

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: