Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal

Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal

Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu sheegay howlgal ay qaadeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan maamulka Jubaland inay ku dileen todobo dagaalame oo katirsan Al-shabaab.

“Ciidamo si gaar ah u tababaran oo tiro yar ayaa weerar ku qaaday Tuulo 38-km u jirta Buurdhuubo waxay ku dileen 9 nin oo Al-shababa ah, Labana waa saraakiil’ ayuu yiri Xasan Maxamed Cali guddoomiyaha Buurdhuubo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku wajahan hadalka maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com