Gudoomiyaha Ahlusuna oo Ka Hadlay Koox Diimeedka Saaciduuna Bil-xaq (DHEGAYSO)

HomeWararka

Gudoomiyaha Ahlusuna oo Ka Hadlay Koox Diimeedka Saaciduuna Bil-xaq (DHEGAYSO)

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa waxa ay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaga hadlay kulankooda ko

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday
Heestii Daahfur iyo Mashruuca Ballaarinta Dekedda Boosaaso (DAAWO)
Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Bosaaso oo ka hadlay Maalinta Calanka & Waxaa ka guuxaya Mankooda

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa waxa ay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaga hadlay kulankooda kooxda cusub ee Al-saadicuuna bil xaq.

Guddoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo qeyb ka ahaa kulanka ayaa Dowladda Federaalka kaga digay in aysan ku kedsoomin Al-saadicuuna bil xaq, oo sheegay in yihiin dad leh dano gaar ah.

Waxa uu sheegay kooxdan la baxday magaca Al-saadiuuna bil xaq in ay yihiin dad Ummada u yaqaano Gaalo, marka iyaga laga rebo, Ummadana ay fasahaadinayaan.
Sidoo kale Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in ay soo magacaabayaan Guddi culimo ah oo shacabka ku buraarujiya Diinta, si looga hortago kooxaha dadka Gaaleysiinaya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay Ahlusuna in ay la dagaalami doonto kooxaha ka soo horjeeda Diinta Islaamka, sidoo kalena aysan dhageysan doonin wararka banaanada la mariyo ee been abuurka ah.

DHEGEYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: