Muwaadiniin Soomaali ah oo Lagu Xiray Wadanka Holland

Muwaadiniin Soomaali ah oo Lagu Xiray Wadanka Holland

Ciidamada Booliska dalka Holland ayaa xiray nin Soomaali ah oo ay sheegeen in uu xiriir toos ah la leeyahay Al-Shabaabka ka dagaalanta Soomaaliya.

Dhanka kalena ciidamada ammaanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ninkaasi si deg deg ah Sharciga loo marsiiyo maadaama uu ka tirsan yahay Urur Argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka dalka Holland ayaa lagu sheegay in ninkaasi oo da’diisa ay tahay 22 sano jir uu ka mid ahaa Al-Shabaabka ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Xeer Ilaalinta Maxkamad ku taalla Magaalada Rotterdam ayaa Warbaahinta u sheegay in illaa iyo hadda ay ku socdaan ninkaasi Soomaaliga ah baaritaano deg deg ah ,islamarkaana aan magaciisa la shaacin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com