Cagjar oo olole nadaafadeed ka wada Oromiya & Oromada oo deegano horleh Soomaalida kala wareegay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Cagjar oo olole nadaafadeed ka wada Oromiya & Oromada oo deegano horleh Soomaalida kala wareegay

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxumed Cagjar, oo uu wehelinayo Madaxweyne Kuxigeenka DDS Aadan Faarax ayaa olole nadaafadeed

Maamulka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Faafan ayaa soo kormeeray Garoonka kubada Cagta ee magaalada lafaciise ee Dagmada Awbare oo dhawaan lagu qaban doono Tartanka kubada cagta 11 degmo ee gobolka faafan
Dowlad Deegaanka oo biloowday tababar wacyigelinta COVID-19
Tuli-guuleed: Oromada oo mar kale soo weerarta shacabka Soomaaliyeed ee beeraleyda ah (daawo)

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxumed Cagjar, oo uu wehelinayo Madaxweyne Kuxigeenka DDS Aadan Faarax ayaa olole nadaafadeed waxa ay ka bilaabeen deegaanka Oromiya.

Sawirada hoggaanka DDS oo ay garab socdaan shacabka Oromiya ayaa la soo bandhigay ayaa oo xaaqaya shaaricyada waaweyn ee Adhama, caasimadda Oromiya.

Madaxwayne Mustafe oo olalaha nadiifinta jidadka Oromiya ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay mid ku dayasho mudan oo sii adkaynaysa xidhiidhka labada kilil ee Soomaalida iyo Oromada.

Waxaa xusid mudan in xiriirka ka dhexeeya Oromada iyo Soomaalida uu waayahaan ahaa mid aad u liita, amaba aan jirin, dhiig badanna uu ku daatay, ayada oo qowmiyadda Oromada, siiba maleeshiyaadkooda hubeysa ee QEERO, lagu eedeeyey xasuuq ba’an oo ay Soomaalida u gaysteen.

Tan iyo intii uu Abiy Axmed la wareegay jagada sare ee Itoobiya, maleeshiyaadka Oromada oo kaashanaya QEERO waxa ay dagaal kula wareegeen deegaano badan oo Soomaalida, Soomaalidiina ka barakiciyey. Deegaanada lala wareegay waxaa kamid ah Jafibaadi, Jafigolosha, Dhangago, Makaniis, Balayga, Geellaa, Tuur Caanood iyo Marar.

Deegaano lala wareegay kaliya ma ahee waxaa hadda dagaal joogto ahi ka socdaan deegaanada Dharcaseeye, Malowleh, Uusweyne, Hoosaale, Sandacarre, Feedhacad, Walgo, Dudojirme, Ceelmaal, Godane, Dabdhiga, Kontoma, Kalarog, Shiikh Cumar Siyaad, Gubadlay, Jiri, Golosaawe, Guri Kheyre, Daarimi, Jidhiile, Dhuxuloley, Karaare iyo Kooroley.

Qaxootiga Soomaalida ee ka soo barakacay deeganada Oromadu la wareegtay ama hadda uu dagaalku ku socdo ayaa waxaa maanta hoy u ah deegaanka Gabogabo ee Tuli Guuleed, banka xerada Qolooji ee u dhexeeya Jigjiga iyo Harar, iyo xeryaha qaxootiga ee Dirir Dawa.

Degmooyinka Jinacsani iyo Baabili ayaga waxaa Soomaalida lagala wareegay 14 sano kahor oo hadda waa deegaan Oromo, waxaana  si toos ah Oromada ugu wareejiyey Madaxweynihii xilligaas ee Kililka Soomaalida Madaxweyne  Cabdi Jibril.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: