Cabdiweli Seed Cilmi, Wasiir KX W Xannaanada Xoolaha Puntland: “Harqaanlaan soo noqday waana ku faanaa shaqooyinkii aan soo qabtay” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Cabdiweli Seed Cilmi, Wasiir KX W Xannaanada Xoolaha Puntland: “Harqaanlaan soo noqday waana ku faanaa shaqooyinkii aan soo qabtay” (dhegayso)

Baarlamaanka Puntland waxa ay dorraad meelmariyeen golaha wasiirrada Puntland oo uu maalmo ka hor magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi

Radio Daljir/UNDEF: Shir-sannadeedka Barnaamijka ARDAA
YAA LEH MASUULIYADDA NATIIJADA LAASCAANOOD 2007 & LAASCAANOOD 2023?
Wasiirka Dekedaha: “Waxaa la Fulinayaa Heshiiskii la Galay iyo Biloowgii Wareejinta Dekedda” (dhegayso)

Baarlamaanka Puntland waxa ay dorraad meelmariyeen golaha wasiirrada Puntland oo uu maalmo ka hor magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, kana kooban 48 xubnood.

Wasiirradu maalinkaasi ansixintooda, midmid ayey Baarlamaanka uga hor khudbeeyeen, iyaga oo akhriyey si kooban taariikhdooda nololeed, waxbarasho iyo shaqaba.

Cabdiweli Seed Cilmi oo ah Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Xannaanada xoolaha Puntland, waxaa uu Bandhiggiisii taariikheed ku daray ama raacshay ka hadalka shaqooyin hoose oo uu soo qabtay oo inta badan ay dhif iyo naadir tahay masuul dawli ahi in uu raaciyo waxqabashadiisii shaqo ee hore, waxaana ku jiray in uu soo noqday harqaanle dharka tola.

Haddaba  Radio Daljir ayay u suuragashay in uu wareysi ka qaadno wasiir kuxigeenka, waxna ka waydiiyo sababtii uu ku doortay taariikh warrankiisa in uu ku daro arrinkaasi, Baarlamaankana uu ka hor sheego.

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: