Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Ciidamada Itoobiya waxaa loo adeegsanayaa afduubka doorashada Galmudug”

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Ciidamada Itoobiya waxaa loo adeegsanayaa afduubka doorashada Galmudug”

Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo diiday safar uu ku tagi lahaa Kismaayo
Maxbuus 10 sano ka badan kuxirnaa Xabsiga Garowe oo dib xoriyadiisa u helay (daawo)
Musharax Qurbaawi oo Muhiimada Maalmaha Xoriyadda ka hadlay (Akhri)

Xisbiga Wadajir ayaa si xooggan u cambaareeyay faragelin ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Gobollada Galgaduud iyo Gedo, oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb ee aan ka tirsaneyn AMISOM looga gol leeyahay in Maamulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, si la mid ah tii ka dhacday sanadkii hore Koofur Galbeed.

Sidoo kale War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir ayaa walaac looga muujiyay waxa loogu yeeray Xiriirka Mugdiga leh ee ka dhaxeeya Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

“Waxaa cad in Taliyaha Nabadusgida oo kaashanaya dowladda Qatar uu ka faa’ideysanayo xiriirkiisa Saraakiisha ciidanka Itoobiya xilliga kala guurka ee ay Itoobiya ku sugan tahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: