Uhuru Kenyatta: “Ciidamadeennu waa ay sii joogi doonaan Soomaaliya”

Uhuru Kenyatta: “Ciidamadeennu waa ay sii joogi doonaan Soomaaliya”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya, inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.

Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo xaqiijiyay inay ka sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinata la soo afjaro”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayaa intaa ku daray in Ciidamada KDF ay ku dadaalayaan hadafkooda ku aadan inay nabad iyo horumar ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com