Cabdiraxmaan Cabdishakuur Muxu ka yiri Golaha Wasiirada Cusub?

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Muxu ka yiri Golaha Wasiirada Cusub?

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay golaha wasiirada la magacaabay hase yeeshee waxa uu si weyn uga soo

Mudaharaadka kasocda Hindiya oo sii xoogaystay iyo ciidamada oo rasaas u adeegsaday shacabka
Baxreyn iyo Israel oo dib u soo ceshtay xiriirka diblumaasi
Qardho: Maamulka Isbitaalka guud ee Qardho oo lagu wareejiyay 15 Haamood oo kuwa Ogsajiinka ah (Sawirro)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay golaha wasiirada la magacaabay hase yeeshee waxa uu si weyn uga soo horjeestey magacaabista wasiirka cadaalada Cabdqaadir Maxamed Nuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmajo in ay ka go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha oo uu ula jeedo mid ka mid ah Wasiirada Cusub, kaasi oo lagu Magacaabo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka.

Halkan hoose ka akhriso Qoraal uu soo saaray Cabdiraxaan CabdiShakuur:

“Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo. Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.

Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka”.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: