Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “James Swan waxa uu ii sheegay in gargaar u ruurinta Soomaaliya gaartay 45%”.

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “James Swan waxa uu ii sheegay in gargaar u ruurinta Soomaaliya gaartay 45%”.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu xoojiyay isku xirka Do

Midowga Afrika oo dalbaday in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo xalay xariga ka jaray Isbataal Cusub
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu xoojiyay isku xirka Dowladda, Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Hay’adaha Gargaarka si kaalmo loogu helo Dadka abaarta ku saameysay Gobollada Dalka.

Warsame ayaa sheegay in Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan uu dib ugu soo celiyay warbixin muujineysa in 45% kaalmada loo uruuriyay wax ka qabashada Xaaladaha Bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in tirada Boqolleyda ee ah 45% aanay ahayn heerka loo baahan yahay balse rejo wanaagsan oo tiradaas ka badin karto ay jirto si loo xoojiyo gurmad u raadinta Dadka Abaarta saameynta taban ku reebtay.

Lacagta la uruuriyay ayuu sheegay in lagu shubay koontada Hay’adaha Qaramada Midoobay & kuwa aan Dowliga ahayn (NGO) si ay gurmad u gaarsiiyaan Malaayiinta ruux ee xaaladaha adag ku nool iyaga oo kaashanaya waaya-aragnimada ay howshaan u leeyihiin.

“Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa ii sheegay in ballanqaadyadii loo sameeyay Soomaaliya gaartay 45%, waxaa laga soo qaaday 8% oo la micno ah in lagu kordhiyay 37%, lacagta lasoo uruuriyay waa $450 Milyan oo dollar si gurmad loogu sameeyo Dadka Abaartu saameysay, Hay’adaha aqoonta u leh ayaa loo diray si ay kaalmo ugu raadiyaan qoysaskaan dhibaateysan” ayuu yiri Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada ayaa sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay wada shaqeynta Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah.

Warsame ayaa tilmaamay in uu ka shaqeynayo sida looga bixi karo abaaraha, xalka habboon in la raadiyo si loo yareeyo halista ka dhalan karta xaaladaha bani aadamnimo maadaama Soomaaliya ay hodan ku tahay Kheyraatka dabiiciga, Badda & Beriga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: