Ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa ATMIS oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

HomeWararka

Ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa ATMIS oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Saraakiil ciidan oo ka kala socday ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
ARDAA Xalqaddii 60aad: Dib- u-heshisinta Galmudug& dadaallada maamul dhisitaan.(dhegayso)
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)

Saraakiil ciidan oo ka kala socday ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa loo soo gabagabeeyay tababar afar maalmood socday oo ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa khataraha ka imaan kara walxaha qarxa.

War kasoo baxay Howlgalka ATMIS ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay dhigaan Wadooyinka Muhiimka ah ee ay adeegsadaan Al-Shabaab walxaha qarxa, taasi oo keentay in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah, isla markaana ay hakad geliso isu socodka dadka iyo gaadiidka. Si taas loo yareeyo, ATMIS iyo ciidamada XDS waxa ay kor u qaadayaan awoodooda ka hortagga qaraxyada, iyaga oo adeegsanaya awood dheeraad ah.

Tababarka ayaa waxaa fuliyay ATMIS iyo Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska waxaana lagu bixinayey bandhigyo isugu jira aragtiyo iyo fadhiyo wax ku ool ah.

Ka qaybgalayaasha ayaa la baray dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin maaraynta walxaha qarxa iyo khataraha, qiimaynta khatartaiyo yaraynta, habaynta macluumaadka iyo sirdoonka la shaqayn karo, qorshaynta dhaqdhaqaaqa kolonyada iyo ilaalinta ciidamada.

Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS, Col. Saheed Sadiiq oo hoggaaminayay tababarka ayaa sheegay in taageerada UKMIST ay tahay mid ku soo beegantay xilli loo baahnaa, iyadoo ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan in ay bilaabaan in amniga ku wareejiyaan Ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu rakibay qalabyo wax ku ool ah si aad u qorsheysato kolonyadaada gaadiidka in khatarta qaraxyada ay la kulmi karaa, waxaayna gaar u yihiin ATMIS iyo SNA oo si wadajir ah u fulinayo howlgallada militari ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, sida ku cad qorshaha kala guurka ee,” ayuu Col. Saacid u sheegay askartii tababarka ku jirtay.

Shaakir Axmed Xasan oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in walxaha qarxa ay yihiin hubka ay Al-Shabaab u adeegsadaan, in tababarka uu fure u ahaa yareynta khatartan maalinlaha ah.

“Waxaan wax badan ka bartay ka hortagga walxaha qarxa, noocyadooda kala duwan iyo sida caadiga ah ee cadowgu isu keeno. Cashar kale oo muhiim ah ayaa ahaa sida loo ilaaliyo kolonyadayada marka aan ku dhex soconno garoonka iyo sida loo ogaado qaraxyada,” ayuu yiri Sarkaalka.

Tababarkan ay qaateen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan Al-Shabaab ay qaraxyo miino Muqdisho iyo Gobolada dalka kula beegsadaaan kolonyada Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0