Midowga Afrika oo dalbaday in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya

Midowga Afrika oo dalbaday in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika Cabdi Maxamud Haybe ahna Safiirka jabuuti ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal Amni oo ay Hawlgalka ATMIS doonayaan in ay ku xoreeyaan deegaano dhawr ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay muqdisho shirar kula yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya, Wakiilada Beesha Caalamka iyo kuwa howlgalka ATMIS, isla markaana la isku raacay in la tayeeyo Ciidamada Soomaaliya si amniga dalka ugala wareegaan Ciidamada ATMIS marka la gaaro 31-da bisha December ee sanadka 2024.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Beesha Caalamka iyo midowga Afrika looga baahan yahay inay taageeraan Ciidamada Soomaaliya lagana qaado cunaqabateynta hubka ama laga qafiifiyo si ay u helaan hub Casri ah oo ay kula dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika Cabdi Maxamud Haybe ayaa kusoo beegmaya xilli weli Ciidamada howlgalka ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya aysan ku guuleysan inay guud ahaan xaqiijiyaan amniga dalka, isla markaana Al-Shabaab kala wareegaan degaano adan oo ay ku sugan yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com