Burtinle: Iskarogada Qashinka iyo Dhibka Dhulka Xoolo-daaqeenka (dhegayso)

HomeWararka

Burtinle: Iskarogada Qashinka iyo Dhibka Dhulka Xoolo-daaqeenka (dhegayso)

Weli deegaanada dalka waxaa xal loo la'yahay ama xalba aan loo raadin qashinka meel walba buux dhaafshay. Deegaanka Burtinle waxba kama duwana. Had

Ololaha Bilicaynta Dalka oo Muqdisho Laga Daahfuray (Sawirro)
Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Ceel-Waaq oo lala beegsaday Shirkada Hormuud
Xildhibaan Barlamaanka jubbaland katirsan oo Kismaayo ku geriyooday

Weli deegaanada dalka waxaa xal loo la’yahay ama xalba aan loo raadin qashinka meel walba buux dhaafshay. Deegaanka Burtinle waxba kama duwana.

Hadaba mid kamid ah hooyooyinka ku dhaqan miyiga degmada Burtinle oo ka cabanaysa gaadiidleyda iskarogooyinka ee qashinka ku roga meeshii ay doonaan, maamulkuna uusan wax sharci ah iyo bayaan toona ka soo saarin ayaa ka cabaynaysa in qashinka magaalada Burtinle lagu shubo dhul-daaqsimeedkii ahaa xoolo-daaqeenka.

Intaas kaliya ma aha hooyadu waxay Daljir u sheegtay in marmarka qaarkood iskarogooyinku ay qashinka ku daadshaan aafafka xaafadaha miyiga, haddii lala hadlana ay ku hanjabaan “qashinkaan mid ka badan baan soo wadnaa meeshaan rabnana ku shubaynaa.”

Waxaa waraystay Xaaji Farateeb, Daljir Burtinle.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0