Xildhibaan Barlamaanka jubbaland katirsan oo Kismaayo ku geriyooday

Xildhibaan Barlamaanka jubbaland katirsan oo Kismaayo ku geriyooday

Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ahaa Gudoomiyihii Guddiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland oo Saakay ku geeriyooday Magaalada Kismaayo ayaa Galabta lagu aasay Qabuuro ku yaalla Magaaladaasi.

Ehelada Marxuumka ayaa Daljir u sheegay in Labadii Maalin ee lasoo dhaafay uu la xanuunsanayay Xanuunka Dhiig karka, kadib markii ay sheegeen in uu ku kacay Muran dhuleed ka taagan Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayay ehelada tibaaxeen in dhulka la isku heysto sharci ahaan loo Xukumay nin ay ehel wadaag ahaayeen, balse dhismo uu ku bilaabay Qofkii laga xukumay.

Kadibna uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdulqaadir Luga dheere, uuna u sheegay in aanan la dhisan karin dhulkaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com