HomeUncategorized

Boqolaal Qaxooti Soomaali ah ,kana soo Cararay Colaadaha Yemen oo Bosaaso Yimid

Talaado, May 05, 2015 (Daljir) — Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso ilaa 750-qof oo kaso cararay dagaalka ka socda dalka Yemen aya Maanta soo gaaray magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Doorashadii xubnaha aqalka sare ee Puntland oo socota weli iyo xubnaha ladoortay.
Prof. Jawaari ?dooda mooshinka xukuumada, waxaan rajo ka qabnaa in beri la soo afmeero? (Dhegeyso)
Gobolka Nugaal oo 1-0 ku guulaystay ciyaartii ugu horeysay ee tartanka ciyaaraha gobollada Somaliya.

Talaado, May 05, 2015 (Daljir) — Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso ilaa 750-qof oo kaso cararay dagaalka ka socda dalka Yemen aya Maanta soo gaaray magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gudigii dowladda Puntland u xilsaartay Qaxootiga Yemen kaso caraaray aya Dekedda magalada Boosaaso kuso dhowayey dadkan oo hal doon saarnaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan inay guud ahaan buuxan goobihii Puntland ugu talo gashay inay kuso dhowayso Qaxootiga soo cararaya,ha yeeshe waxaa dadkan maanta soo dagay la geeyey goobo ku MKG,kuwaasi oo ugu horayn lagula tacaalayo xaaladooda nololeed,Wasiirku xigeenka wasarada Arrimaha gudaha Puntland oo hogaaminaya gudiga soo dhowaynta Qaxootiga aya sheegay in haatan ayku howlan yihiin sidi ay dadkan u gaarsiin lahayen Biyo,Cuno iyo Dhar.

Dadkaan oo qaybka ah Qaxootiga kuso qul-qulaya deegaanada Puntland ee kaso cararaya dagaalka Yemen,aya waxaa soo dhowayn tooda ka qayb-qaadanaya Ha’yadaha Qaramada Midoobay ee taageera arrimaha Qaxootiga iyo Shacabka Puntland.

By: Maxamed Xalliye 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: