FAAH-FAAHIN: Booqashada wasiirka arimaha gudaha Puntland ee gobolka Kar-kaar

Talaado, May 05, 2015 (Daljir) — Munaasabada xariga looga jarayay xaafiiska wasaarada Deegaanka duurjooogta iyo dalxiiska ee gobolka karkaar ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka deegaanka dalxiiska duurjoogta, wasiirka arimaha gudaha Masuuliyiinta iyo odayaasha gobolka karkaar iyo degmada Qardho masuuliyiinta Hay’ada CARE oo ahayd haya’dii maalgalisay Xafiiska iyo marti sharaf kale.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ugu horayn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xafiiskan uu muhimad gaar ah u leeyahay gobolka karkaar ayadoo gobolka uu yahay gobolka ugu daran xaga xaalufinta deegaanka waxaa kaloo gudoomiyaha uu sheegay in wasaarada deegaanka duurjoogta iyo dalxiiska ay tahay wasaaradaha aadka uga shaqeeya gobolka duqa degmada Qardho ayaa ugu dambayntii wasaarada ka codsaday in lasoo dhamaystiro adeegyada xafiiskan uu u baahanyahay.

Axmed Maxamed Cali oo ka socday hay’ada CARE oo wasaarada ka caawinaysa dhismaha xarunta wasaarada Deegaanka ayaa ka hadlay qorshayaasha hay’ada iyo wasaarada oo ah dhismaha iyo hirgelinta xarumaha wasaarada deegaanka ee gobolada Puntland, wuxuu sheegay in Afar xarumood horay u soo dhiseen hadana qorshaynayaan afar kale oo xafiisyada wasaarada ah lagana hirgeliyo gobolada kale.

Wasiirka deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta dowlada Puntland Guuleed Saalax Bare oo xafladii lagu furayay xafiiskan ka hadlay ayaa sheegay in qorshohooda yahay inay dhamaan 9 gobol ee Punland iyo degmooyinkoodaba ay ka furi doonaan xafiiska wasaarada si looga maarmo buu yiri in marwalba lala xiriiro caasimada Garowe, wasiirka ayaa dhamaan dadkii kasoo qaybgalay munaasabada furitaanaka xafiiska wasaarada kula dardaarmay inay ka qaybqaataan ilaalinta deegaanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo munaasabada ka hadlay ayaa bogaadiyay waxqabadka wasaarada deegaanka wuxuuna ka markhaati kacay in waxqabadka wasaarada aan lagu soo koobi Karin dhowr khudbadood oo laga jeediyo munaasabadah.

Qaar kamid ah odayaashii kasoo qaybgalay munaasabada furitaanka xafiiskan cusub ayaa amaan iyo mahadcelin balaaran u jeediyay wasaarada uu hormuudka u yahay Wasiir Guuleed Saalax Barre waxayna wasiirka ka codsadeen in dadaalka uu kawado deegaanka uu sii labajibbaaro waxqabadkoodana ay halkaa kasiiwadaan.

Markii aysoo dhamaatay munaasabada wasiirada waxa ay kormeer kutageen Beerta kobcinta dhirta ee degmada Qardho, waxa ay sidoo kale soo indh indheeyeen geedaha lagu beeray hareeraha laamiyada cusub ee laga hergaliyay magaalada Qardho iyo goobo kale  gabagabadii safarkoodana waxa ay maamulka degmada kala saxiixdeen mashruuca maamul baahinta Maaraynta kheyraadka dabiiciga ah waana mashruucii ugu horeeyay oo nociisa laga hergaliyo deegaanada Puntland.

By: Maxamuud Cabdi Ibraahim 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com