Boorama oo calanka Soomaaliya lala dhexmarayo farasmagaalaha

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Boorama oo calanka Soomaaliya lala dhexmarayo farasmagaalaha

Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ku soo kordhaya dhalinyaro xamaasadaysan oo farasmagaalaha lagu arkayo iyagoo wata calanka buluu

Aniisa Xaaji Muumin: “Waxaa Dad Badan Isweydiinayaa Sababta Aanan ugu Jirin Wasiirada Cusub?” (dhegayso)
Muse Bihi and Somaliland in disarray as Liban Samatalis of Radio al-Cadaala takes the reigns of the Garxajis revolution
“Diintii Islaamka waad tuurteen:” RW Itoobiya oo Amiirka Imaaraadka runta deeqsiiyey

Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ku soo kordhaya dhalinyaro xamaasadaysan oo farasmagaalaha lagu arkayo iyagoo wata calanka buluugga ee Soomaaliya.

Duqayti magaalada ku sugan oo arrintan ugubka ah wax laga weydiiyay ayaa ay qaarkood sheegeen in ay dhalinyaradani xaq u leeyihiin in ay dareenkooda muujiyaan, isla markaana aanay xaq u lahayn in lagu xadgudbo, haddii ay taasi dhacdana waxa ay sheegeen in aan la mahadin doonin.

Magaalada Boorama oo kamid ah magaalooyinka ay Somaliland ka taliso, ugana taliso sidii Laascaanood oo kale iyo khasab iyo jajuub, ayaa in badan oo kamid ah shacabkeedu ay maanta kaga duwanyihiin shucuubta magaalooyin kale oo Somaliland, ayaga oo aan dareenkooda qarsan, muujinayana in aysan raalli ka ahayn kalagoynta dalweynaha Soomaaliya. Shucuubta reer Awdal ayaa isku arka in ay yihiin dad khasab iyo jajuub lagu liqsiinayo goonni-isu-taagga Somaliland.

Magaalada Boorama marka aad joogto gudeheeda dareenka lagu ayidayo Soomaaliweyn ee ka dhex aloosan bulshada deegaanka waa mid muuqda oo aan lala gabban.

Si loo muuquuniyo Kacdoonka Bulluugga ee Borama, waxaa Hargeysa laga soo daabulay dhallinyaro reer Hargeysa oo lagu daadiyey xaafadaha magaalada, laakiin illaa iyo hadda iskudeygaas cabburin ee reer Boorama uma muuqdo mid miro dhalay. Sidoo kale waxaa Boorama loo direy Madaxweyne Kuxigeen Saylici, asna sidoo kale wax natiijo ah kalama uu kulmin, aan ka ahayn in loo sheegay in uu yahay “nin u adeega danaha Hargeysa oo kaliya, kana soo horjeeda danaha dadka gobolka Awdal ee uu matalo.”

Diiwaanka wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: