Booliiska Hargaisa oo xabsiga dhigay ugaarsato u dhalatay Imaaraadka Carabta

Booliiska Hargaisa oo xabsiga dhigay ugaarsato u dhalatay Imaaraadka Carabta

Ciidamada booliska ee maamulka Soomaaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xireen sagaal ruux oo u dhalatay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Sida wararku sheegayaan raggan ayaa la sheegay inay ahaayeen Ugaarsato, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaayeen deegaano ka tirsan Somaliland oo ay u joogeen howlo ugaarsato.

Agaasimaha Duur-Joogta ee Wasaaradda deegaanka Somaliland Naasir Xuseen ayaa sheegay in sagaalka nin ee u dhalatay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaarsanayeen deegaano ka tirsan Somaliland.

Waxaa uu sheegay in raggan la marsiin doono sharciga, maadaama ay sameeyeen xadgudub iyo inay deegaanada Somaliland ka ugaarsanayeen, iyagoo aanay wax sharciyad ah heysan.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya raggan oo ku sugan bannaanka garoonka diyaaradaha Cigaal, laguna qaadayay gawaarida booliska ay leeyihiin, waxaana laga reebay diyaarad ay saakay u raaci lahaayeen magaalada Dubai.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com