Beyle oo sheegay in shirka kama dambeysta ee deyn cafinta uu dhacayo sanadka 2020

HomeWararka

Beyle oo sheegay in shirka kama dambeysta ee deyn cafinta uu dhacayo sanadka 2020

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay shir la qabanayo horaanta sanadka 2020, kaasoo ah mi

Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabad lagu daahfurayeey guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa (Sawiro)
Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyay Miisaaniyad ay ku jirto cafinta deynta Soomaaliya
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 3-SEPTEMBER-2022

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay shir la qabanayo horaanta sanadka 2020, kaasoo ah mid kama dambeysta ee go’aan looga gaarayo deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Washington muhiimad gaar ah la siiyay dowladda Soomaaliya, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkii xigay ee wada hadalka deyn cafinta oo ka dhacay Addis Ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka Wajiga seddexaad ee wada hadalka deyn cafinta iyo waqtiyenta shirka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Mr Beyle ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka ay taageerayaan mashruuc lagu horumarinayo is dhex galka dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, isagoo xusay in mashruucan uu yahay mid faa’ido badan u leh Gobolka.

Ugu dambeyn Wasiir Beyle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in labada gole ee Baarlamaanka inay meel mariyaan shuruucda dhinaca maaliyadda ee Golaha Wasiirada meel mariyeen, ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkan inay ka gudubto Soomaaliya, waxaana shuruucdaas ka mid ah maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: