Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyay Miisaaniyad ay ku jirto cafinta deynta Soomaaliya

HomeWararka

Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyay Miisaaniyad ay ku jirto cafinta deynta Soomaaliya

Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya. . Qaraar

Maamulka Somaliland oo xaqijiyeey labo ruux oo laga helay Coranavirus (Daawo)
Mideeye iyo isusoobixii maanta ee Bossaso
Xulashada Daljir & Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya. .

Qaraar tirsigiisu yahay H.R 1158 ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay qaraarka deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallada deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.

“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan.

“Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sanadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xiriir diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa.

Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hey’daha maaliyadda ee caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka u mhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAA SOO DHAWAYNAYNAA WIXII WANAAGSAN.
    YES BOSS, AMERICAN EMPIRE.
    AMERICAN EMPIRE WAXAY DHAHDAA:
    ” FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN.”.
    LKN WAXAA NOOGA FIICNAYD IN UU MARAYKAN JOOJIYO TAAGEERADA ISIS,ALSHABAB EE SOMALIYA JOOGTA.UNA SHEEGO KOOXAHAA INAY KUSOO BIIRAAN D.F.SOMALIYA.
    WAAYO?WAA MARAYKAN KA MEESHA KU MASRUUFA ISIS,ALSHABAB.SIDAA DARTEED WAY U FUDUDAHAY INUU SOO XAREEYO KOOXAHAAS LKN U MALAYN MAAYO INUU SAAS SAMAYN KARO WAAYO?WELI DANTII UU KA LAHAA KOOXAHAAS EE U SAMAYSTAY BAAN UDHAMAAN MARAYKAN.
    DANTAASOO AH DHABAR JABINTA SHACABKA,QARANIMADA SOMALIYEED.
    WE KNOWS,WIXII JIRA.SILENT WITNESS!!! MARQAATIGA AAMUSAN.

DISQUS: