Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabad lagu daahfurayeey guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa (Sawiro)

HomeWararka

Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabad lagu daahfurayeey guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa (Sawiro)

Madaxweynaha Mudo xileedkiisa idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaall

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha diblomaasiyadeed ee Shir-guddoonka Golaha Guud ee UN-ka
Muqdisho Shir Xagjirnimadda loog Hadlayo Ayaa ka Furmay
Ciidamadda Dowladda oo Fashiliyeey Gaari laga buxiyeey walxaha Qarxa (Daawo)

Madaxweynaha Mudo xileedkiisa idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

“Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.”

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: