Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay Liiskii dhinaa ee xubnaha Aqalka Sare

Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay  Liiskii dhinaa ee xubnaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska musharaxiinta saddex xubnood ee ka dhimmaanaa kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya ee laga soo dooranayay Koofurgalbeed Soomaaliya.

Liiskan la soo saaray ayaa waxaa ku tartamaya lix musharax oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Federalka Soomaliya, horeyna usoo noqday Wasiirka Cadaaladda.

Lixdan Musharax ayaa waxa ay kaa yihiin;

Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi

Cali Sheikh Maxamud Gacal iyo Cabdiqadir Cabdi Axmed

Cabdiweli Maxamed Ibrahim Xaabsade iyo Cabdullahi Robow Maxamed

SIdoo kale waxaa la soo saaray xilliga ay dhacayso doorashada saddexdan kursi oo ku aaadan Maalinta Axada ee soo socota.

Halkan ka aqriso qoraalka uu soo saaray madaxweyne Laftagareen;

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com