Duqaymo diyaaradeed oo kadhacay deegaamo katirsan gobolka Bari

Diayaarado dagaal ayaa duqayn ka fuliyay deegaanka Miriqle oo 45km dhanka bari uga toosan degmada Iskushuban ee gobolka Bari, iyo sidoo kalle deegaanka Camayra.

Duqaymahan oo xalay kadhacay deegaamadaasi ayaa warar kalle duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka ayaa ku waramaya in lagu dilay hogaamiyeyaal katirsan Al-shabaab iyo Daacish, walow aan si dhab ah wali loo xaqiijin.

Horay ayaa Mareykanka uu duqayn diyaaradeed uu ugu dilay hogaamiye kuixgeenkii kooxda Daacish Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com