Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

HomeWararkaMaqaalo Kale

Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Warbixintii 5aad ee Xaalka Beeraha iyo Beeraleyda Puntland Dhegaystayaal sidii aad ku maqasheen warbixinnadii xiriirka ahaa ee Radio Daljir idiin s

Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 92aad (dhegayso)
DAAHIR MAXAMED FAARAX ( ANWEYLOOD)
Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)

Warbixintii 5aad ee Xaalka Beeraha iyo Beeraleyda Puntland

Dhegaystayaal sidii aad ku maqasheen warbixinnadii xiriirka ahaa ee Radio Daljir idiin soo gudbiyey, kuna saabsanaa xaalka beeraha Puntland iyo beeraleeydaba, waxaa aad loo xoogaynayaa muddo dhawr sano ah caqabado ballaaran in ay la soo gudboonaadeen beeraleeyda Puntland, taasoo hoos u dhigtay wax soo saarkii beeraha.

Caqabadahaasi qayb ahaan waxay ka yimaadeen abuuro sida la sheegay beeraleeyda ay siiyeen qaar ka mid ah hay’adaha ka hawlgala deegaannada Puntland, abuurradaasi ama siidhiskaas (seeds) kaas oo markii beeraleeydu ay ku shubeen beerahooda xanuuno ku dhaceen dalagyadii u soo bixi jiray, iyadoo sidoo kalena ay beeraha ay la soo gudboonaadeen dullinno cayayaan oo curyaamiyey waxkasta oo ay abuuraan.

Haddaba Radio Daljir oo warbixinno taxane ah ka diyaarshay xaalka beeraha Puntland, wuxuu warbixintaan oo ah middii 5aad ku eegayaa beeraha gobollada Bari iyo Sanaag iyo dhibaha kala soo gudboonaaday abuuro hay’ado siiyeen iyo hay’adaha siiyey kuwii ay ahaayeen.

Xasan Heykal oo ku sugan istuudyaha Daljir ee Bossaso ayaa inoo diyaarshay, inoona soo jeedinaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: