BAYDHABO: Dadkii Soomaliland laga soo barakiciyay oo maalintii labaad gaaray

HomeWararka

BAYDHABO: Dadkii Soomaliland laga soo barakiciyay oo maalintii labaad gaaray

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray maanta qaar kamid ah dadkii Soomaliland ay sida qasabka ahayd uga soo barakicisay magaalada

Dowladda Somaaliya oo Magdhow Kabixisay Dad Ku Dhintay Dagaal Dhexmaray Ciidamo Dowladda Kawada Tirsan
DHEGAYSO Midowga Yurub oo Lacag ugu Deeqay Soomaaliya
Maamulka Hiirshabeele oo digniin cusub soo saaray (Daawo)

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray maanta qaar kamid ah dadkii Soomaliland ay sida qasabka ahayd uga soo barakicisay magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo malmihii la soo dhaafay ku sugnaa Puntland.

Dadkan oo saarnaa Gawaarida waaweyn ayaa waxaa ay safar dhinaca dhulka ah kusoo mareen degaano ka tirsan Maamulada Puntland, Galmudug & hir-Shabeelle, iyaga oo ugu dambeyn gaaray magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada ayaa dadkaasi soo dhaweeyay, iyada oo dib u dejin loogu sameeyay meelo kamid ah Magaalada baydhabo.

Xubnaha Guddiga Wasiirada ah ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u xilsaaray la socoshada xaalada dadka Somaliland ay soo barakicisay ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa in Maanta markale ay diyaarad kusoo qaadaan qaar kamid ah dadkaas.

Somaliland ayaa aad loogu dhaleeceeyay tallaabada ay ku batrakicisay dadka shacabka ah ee kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Magalada laas-Caanood, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayeen amni darrada kajirta Magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: