Maamulka Hiirshabeele oo digniin cusub soo saaray (Daawo)

HomeWararka

Maamulka Hiirshabeele oo digniin cusub soo saaray (Daawo)

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa uga digey hay’adaha samafalka inay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talogalay shacabka ku nool Maamul Goboleedka Hirsha

Guddiga doorooshinka KMG ah oo Guddoomiye doortay Muqdisho
Aragtida bulshada degmada Burtinle ay ka qabaan in Baarlamaanka caasimada laga raro
Anisa Xaaji Muumin ‘Reer Burtinle 13 Jir in la Kufsado ma Raalli baad ka Tihiin?’

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa uga digey hay’adaha samafalka inay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talogalay shacabka ku nool Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare” ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talogalay beeralayda ku nool dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxaan u digeynaa hay’adaha samafalka oo boqolkiiba soddon oo kaliya gaarsiiya deeqaha loogu talogalay shacabka.”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Beeraha Hirshabelle Xildhibaan Daqare.

Wasiir ku xigeenka Beeraha ayaan magacaabin hay’adaha samafalka ee musuqmaasuqa adeegyada loo qabto beeralayda ku nool dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhowaan booqday degmada Buuloburde waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan beeralayda ku nool degmadaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: