Dib u dhac ku yimid mid ka mid ah Jadwaladii Doorashada Dalka

HomeWararka

Dib u dhac ku yimid mid ka mid ah Jadwaladii Doorashada Dalka

Mid ka mid ah jadwaladii doorasho ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee aan dhaqan gelin waxay maanta oo ah 10 October ku beegneyd inay dhacdo

Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
“AXMED KARAASH” NABAD WAARTA AYAAN KARABNAA IN AY QAATAAN BEELIHII KU DAGAALAMEY SAAX-MEEGAAG
Under cloud of suspicion and unwanted Gaas & Omar arrive Garoowe

Mid ka mid ah jadwaladii doorasho ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee aan dhaqan gelin waxay maanta oo ah 10 October ku beegneyd inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, gaar ahaan jadwalkii soo baxay bishii June.

Hubaal la’aan ayaa ka jirta in mar kale dhaqan gelida jadwalka doorashada, waxaana habraacii u dambeeyay ee doorashada uu dhigayay in doorashada Golaha Shacabka iyo diyaarinta Ergada lagu qabto inta u dhaxeysa Horaant October illaa 20 November, balse waxaa weli la soo dhameystiran doorashadii Aqalka Sare oo lix Senatar ay ka harsan yihiin 54 Senatar ee Aqalka Sare ka kooban yahay, lagana sugayo inay soo dhameystiraan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa kutilmaamay dib u dhaca ku yimid doorashada in ay sabab u tahay caqabado is-biirsaday ay keeneen dib u dhaca doorashada, wuxuuna sheegay in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhacyada doorashada ku yimid.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: