Bayaankii raalligalinta madaxdhaqameedka SSC & dareenka shacabka

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Bayaankii raalligalinta madaxdhaqameedka SSC & dareenka shacabka

Bayaan wata astaanta madaxda dhaqanka SSC oo uu ku saxiixanyahay Afhayeenka Isimada SSC-Khaatumo ayaa abuuray shucaac si kedis ah ugu baahay dal iyo d

Safiya Yaasiin, Musharrax Madaxweyne Puntland: “DP World dalkay duullaan ku tahay oo loo qoor-qabanayaa Itoobiya”
Md. Juxoow waa maxay CO-FEDERATION armay se la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore ee SSDF iyo Federalism?
GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

Bayaan wata astaanta madaxda dhaqanka SSC oo uu ku saxiixanyahay Afhayeenka Isimada SSC-Khaatumo ayaa abuuray shucaac si kedis ah ugu baahay dal iyo dibad, kaas oo bidhaamo aan la mahadin dhexdiisa ay ka bidhaameen.

Bayaankan oo ahaa mid soo baxay xilli aad u adag oo dagaalku sii kharaaraaday ayaa waxa uu u muuqday mid keenaya shaki aan hore loo saadaalin iyo khilaaf madaxda dhaqanka dhexdooda, walloow afhayeenka oo shalay warbaahinta la hadlay uu beeniyey jiritaanka shaki iyo khilaaf toona.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka SSC ay hore ugu aaneeyeen in uu gardaween ka yahay qorshihii Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle uu Jabuuti ku dajiyey kulankii saddex geesoodka ahaa ee asaga, Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh, qorshuhuna ahaa hagardaamada halganka SSC-Khaatumo, ayaa ugu danbeyn Garaad Jaamac Garaad Cali bulshada SSC u xaqiijiyey 11kii Luulyo in Madaxweyne Xasan Sheekh yahay isla Xasan Sheekhii Jabuuti, qorshuhuna yahay hagardaamada shacabka SSC iyo fiirsashada duqeynta Laascaanood. Shacabka oo aan warku ku cusbeyn ayaa ayiday hadalkii Garaad Jaamac, uguna jawaabay “horaan u nacnay ee adna haddaad nacday mar kale waa nacnay!”

Sagaal maalmood hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali kabacdi waxaa soo duulay bayaan raalligelin ah oo markii hore la mooday beenabuur, laakiin markii danbe si rasmi ah loo shaaciyey, laguna raalligalinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Laba maalmood kabacdi shaacinta bayaankii raallingelinta, Daljir oo xiriir la samaysay ilo kaladuwan oo ka ag dhow madaxdhaqameedka SSC, waxaa naloo xaqiijiyey in Garaad Jaamac, walloow uusan akhrin bayaanka la isla qaatay, haddana uu yiri “waxaad rabtaan oo halganka garab u ah qorta.”

Shacabka SSC, gudo iyo dibad, ayaa farta ku fiiqaya siyaasiyiinta beesha ee uu hormuudka u yahay Sanator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare, iyo Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan. Sanator Timacadde, Sanator Gaagaab iyo Xildhibaan Cali Xoosh, oo dhammaantood ah xubno Aaranjaan, ayaa hore u yimid Laascaanood 26kii Juun, ayaga oo kulamo wadareed iyo goonigooniba ula shiray madaxda dhaqanka SSC, saraakiishiisa iyo nindoorka beesha, intii markaas Laascaanood ka joogtay.

Sida Daljir ay hore u soo warisay, 22 kulan oo kaladuwan oo Sanator Timacadde iyo xildhibaanadii la socday ay galeen waxa ay dhammaantood gudbinayeen farriimo ay kamid ahayeen, “Ciidamada ka imaanaya Garoowe iyo gobolada kale waa kuwa hadhow idinka la idinku cabudhin doono ee taas ka feejignaada.” Waxaa kale oo ay saddexda xildhibaan fagaadhayaasha kulamadooda ku celcesheen, “Madaxweyne Deni ma aha nin aamin gala, oo waa nin dantiisa ka hormariya wax kasta, xitaa haddii kumannaan qof ay ku dhimanayso.”

Isla xildhibaanadaas uu hormuudka u yahay Sanator Timacadde, oo hore ugu fashilmay in ay abuuraan khilaaf u dhexeeya SSC iyo Puntland, ayaa hadda lagu eedaynayaa in ay madax-dhaqameedka SSC ku dirqiyeen qoraalka bayaanka raallingelinta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shacabka Laascaanood iyo guud ahaan kan SSC oo aad uga biyodiidey raalligelinta Xasan Sheekh la raaligaliyo xilli dhiigga shacabku uu joogto u qubanayo, ayaa qaarkood caro darteed ku celceliyaan, “haddii Xasan la raalligaliyey, maxaa Ismaaciil Cumar Geelle asna loo raaligalin waayey?”

Nindoorka SSC ayaa hadda xoogga saaraya in talada SSC lagu wareejiyo Guddiga Cusub ee 45ta xubnood, si looga badbaado kacdoon oodda goosta oo shacab. Dhaarinta iyo hawlgalinta Guddiga 45ta xubnood oo hore loogu ballansanaa 16kii bishan Luulyo, ayaa sugaya oo kaliya saxiixa Garad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo labaduba ay haatan Nairobi ku wada suganyihiin.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood


Wararkii hore

GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: