HomeUncategorized

Barnaamijka Tartanka iyo Tacliin oo caawa si rasmi ah u bilaabanaya

Bosaso June , 20 Waxaa caawa si rasmi ah uga bilaabanaya Radio Daljir xarumihiisa Soomaaliya taratanka dugsiyada sare Puntland oo sanad waliba bisha barakaysan ee Ramadaan la qabto , barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ka baxa Radio Daljir ayaa waxaa maalgelinaya sanadkan shirkadda isgaarsiinta ugu wayn gayiga Puntland ee Golis , waxaana sidoo kale fududaynaya qabsoomidda barnaamijka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland iyo daladda waxbarashada ee PEN.

EU oo iclaamiyey dagaal kale oo ka dhan ah Burcad badeeda ilaa Soomaaliya ka helayso nabad buuxda
Baahin: Salaasa, Jun 21, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Xukuumada Puntland oo wax lagu xumaado ku tilmaantay dad rayad ah oo lagu dilay Kob-dhexaad; Issimada Puntland oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada aargoosiga ah ee gobolka Bari; Prof. Juriile oo aan ka waraysanay magacaabida R/wasaaraha cusub ee dawlada federaalka ah; 7 qof oo ku dhimatay, 14 kale oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Aamina Ladan Axmed.

Bosaso June , 20  Waxaa caawa si rasmi ah uga bilaabanaya Radio Daljir xarumihiisa Soomaaliya taratanka dugsiyada sare Puntland oo sanad waliba bisha barakaysan ee Ramadaan la qabto , barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ka baxa Radio Daljir ayaa waxaa maalgelinaya sanadkan shirkadda isgaarsiinta ugu wayn gayiga Puntland ee Golis , waxaana sidoo kale fududaynaya qabsoomidda barnaamijka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland iyo daladda waxbarashada ee PEN.

Sanadkan ayaa waxaa ka qaygelaya tartanka 30- dugsi sare oo ka dhisan gobolada Puntland , caawa ayaana waxaa qaybtiisa koowaad ku tartamaya dugsiga sare Nugaal Secondary Garowe Vs Axmed Garaar Waaciye

Burtinle Secondary School iyo Goldogob Secondary
 

Radio Daljir

Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0