Natiijada tartan aqooneedka dugsiyada sare Puntland ee caawa ku tartamay barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Bosaso , June 20 ,  Caawa oo sirasmi ah uu u bilowday barnaamij sanadeedka  Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan oo ay ku loolameen afar ka mid ah sodonka dugsi ee sanadkan barnaamijka ka qaybelaya.
 
Qaybta hore ee tartanka ayaa waxaa isku arkay dugsiyada kala ah Nugaal Secondary oo sanadkii hore 2014 koobka tartanka ku guulaystay iyo dugsiga sare Sheekh Axmed Garaar ee degmada Waaciye waxaana ay ku dhamaatay oo guushu ku raacday dugsiga Sheekh Axmed Garaar ee degmada Waaciye.
 
Natiijada ayaa sidaan u dhacday 
 
Nugaal Secondary shantiisii su\’aalood ee la waydiiyay ayuu ka jawaabay laba su\’aal sadex ayuuna garan waayay , sidaasina uu ku helay 4- darajo 
 
 
Axmed Garaar afar ayuu ka jawaabay shantiisii su\’aal ee la waydiiyay , sidaasina waxaa uu ku helay  8 darajo oo guusha ay ku raacday.
 
Qaybta labaad ayaa waxaa tartanka isku arkay Burtinle Secondary oo gobolka Nugaal ah iyo Goldogob Secondary oo ka dhisan gobolka Mudug , waxaana uu guusha ay raacday Goldogob Secondary iyadoona natiijadu ay ku dhamaatay
 
Burtinle shantiisii su\’ aal ee la waydiiyay hal su\’aal ayuu ka jawaabay , midna wuu ka faa\’iidaystay oo soo dhaaftay dugsigii kale ee tartanka kula jiray Goldogob Secondary, sidaasina uu hu helay laba darajo.
 
Goldogob Secondary ayaa waxaa uu ka jawaabay laba ka mid ah shantii su\’aalood ee la waydiiyay , midna waa uu ka faa\’iidaystay sidaasina waxaa uu ku helay shan dhibcood oo guusha uu kula hoyday.
 
Habeen dambe ayaa waxaa tartamaya afar dugsi oo isku arkaya sidaan hoose 
 
Dugsiga sare Hawd  (Buuhoodle gobolka Cayn ) iyo Buraan Secondary (Sanaag) 
Xaaji Salaad  (Carmo gobolka Bari )  iyo Al-azhar Shariif (Qardho gobolka Karkaar) 
 
Radio Daljir 
Bosaaso.
 
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com