Barlamaanka Puntland oo ogolaaday Dhamaystirka Heshiiskii Puntland & P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso

HomeWararka

Barlamaanka Puntland oo ogolaaday Dhamaystirka Heshiiskii Puntland & P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abd

Toogasho ka dhacday gobalka Colorado ee dalka Maryakanka
Muqdisho: Saraakiil iyo Askar loo xiray dil Guddoomiye degmo
Waraysi Aabbaha sarkaal Siciid Cabdilahi Cabdi oo DF Somalia ku eedeeyey qaraabakiil

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: