Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad oo eedeyn xoogan u jeediyeey Madaxweyne Farmaajo

HomeWararka

Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad oo eedeyn xoogan u jeediyeey Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso sii dhamanaayo in uusan wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Amniga

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Aqoonyahan Cabdisalaan Daahir: “Kenya Qaadkeedu sunbuu ahaa kan Itoobiya waxba kuyeeli maayo (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Muuse, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso sii dhamanaayo in uusan wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Amniga Shacabka iyo sidoo kale u damqashada Shacabka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan ka tacsiyeeyn dhalinyaradii Soomaaliyed ee xalay qaraxa lagula beegsaday Maqaayadda Jallaato Divino oo ku taalla Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin. Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwanyihiin”

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: