Faahfaahin: Magacyadda dhalinyaro xalay lagu xasuuqay Muqdisho

Faahfaahin: Magacyadda dhalinyaro xalay lagu xasuuqay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxay xalay u aheyd habeen murugo leh oo dad badan ay uur-ku-taalo ku reebtay, kaddib markii qof is qarxiyay uu beegsaday Maqaayada Gelato Divino, kuna laayay dhalinyaro aad ugu firfircoonaa Muqdisho.
Qofka is qarxiyay oo la sheegay inuu nin weyn ahaa, kaasoo banaanka maqaayada la fadhiyay isku qarxiyay.

Waxaa goobta ku geeriyooday illaa lix dhalinyaro, halka labo kalena ay markii dambe dhaawac u geeriyoodeen.

Mid ka mid ah dhalinyarada lagu dilay qaraxaas Bishaar Cabdukaadir ayaa saacado kaliya ku sugnaa Muqdisho, waxaana uu maanta ka yimid magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Dhalinyarada lagu xasuuqay qaraxaas waxay ahaayeen kuwo rajo ka lahaa mustaqbalka, waxay ahaayeen labeentii magaalada Nuqdisho oo si weyn ay uga dhex muuqdeen.

Qaraxa ayaa waxaa sheegatay Kooxda Al-Shabaab, waxaana qaraxan uu dhacay xilli maanta Muqdisho uu saacado booqasho ah ku soo gaaray Sii hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si isku mid u cambaareeyay qaraxan lagu xasuuqay dhalinyaradii magaalada.

Halkan hoose ka akhriso magacyada

1: Ibrahim Abdi
2. Bishaar Cabdukadir
3. Abdulahi Abdi Jamac
4. Abdirisaak UK
5. Abdullahi Suldan
6. Abdirashiid Taataa
7. Cali Daahir (Cali Yare)
8. Abdullahi Sudaani

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com