Soomaliland oo Ceerigaabo ka biloowday barakicinta dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed

Soomaliland oo Ceerigaabo ka biloowday barakicinta dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa saaka Ceerigaabo ka bilaabay howlgal looga saarayo magaalada dadka ka soojeeda Koonfurta Soomaaliya.

Dhowr todobaad kahor ayay Somaliland dadkaas u qabatay in ay uga baxaan, taas oo shalay ku ekeyd, waxaana ay daba socotaa tallaabadii dadka looga musaafuriyey Laascaanood.

Waddooyinka waaweyn iyo goobaha ganacsiga Ceerigaabo ayaa waxaa maanta lagu arkayaa ciidamo boolis ah, kuwaas oo baadigoobaya dadka ka soojeeda Koonfurta Soomaaliya.

Bishii hore Somaliland ayaa dad ka soojeeda degaanada Koonfur Galbeed waxaa ay ka soo barakacisay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com