Baarlamaanka Soomaaliya oo la horgaynayo miisaaniyadda 2018

HomeWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo la horgaynayo miisaaniyadda 2018

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo miisaaniyadda 2018 ee dowladda faderaalka. Miisaaniyadda oo ay horay uso

London: Nin Mindi ku weeraray dad dukaamaysanayey
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Boosaaso (dhegayso)
Baro sida looga Hortago Cudurada Faafa, Dr. Daahir Muse Cali

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo miisaaniyadda 2018 ee dowladda faderaalka.

Miisaaniyadda oo ay horay usoo ansixiyeen golaha wasiirada ee dowladda faderaalka ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

Wasiirka maaliyadda ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo baarlamaanka hortagaya ayaa lagu wadaa inuu warbixin kasiiyo kororka miisaaniyaddan ku yimid, waxaana miisaaniyaddan ku jirta warshad dharka ciidamada soo saarta iyo akedhemiyadda afka Soomaaliya iyo adeegyada kale ee wasaaradaha dowladda.

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: