Xisbiga Wadani ee Somaliland oo kormeerayaashiisa kala baxay doorashooyinka

Xisbiga Wadani ee Somaliland oo kormeerayaashiisa kala baxay doorashooyinka

Xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa kala baxay kormeerayaashiisa guddiga doorashooyinka ee Somaliland, kadib markii ay dalbadeen masuuliyiinta xisbiga.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii xisbiga Wadani uu codsaday in dib loo tiriyo codadka doorashooyinka Somaliland laga dhiibtay, taasoo guddiga doorashadu uu ku gacan sayray.

Wararka aanu ka helayno magaalada Hargaysa ayaa sheegaya inay socdaan tirinta codadka doorashada goboladii laga dhiibtay codadka, waxaana shalay lasoo gabagabeeyey gobolka Maroodijeex oo ka mid ahaa goboladii xisbiga Wadani uu walaaca wayn uu ka muujiyay in looga shubtay oo ay u dhicin si xalaal ah.

Rabshado kadhacay Somaliland todobaadkii hore ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa sadex ruux inta la xaqiijiyay kadib markii rabshado ay sameeyeen xisbiga Wadani.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com