Mugabe oo diiday inuu xilka ka dego

Mugabe oo diiday inuu xilka ka dego

Madaxwaynaha la go’doomiyay ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wajahaya culayskii ugu dambeeyey ee lagu saarayo inuu iska casilo xilka madaxwayne ee wadanka Zimbabwe oo ku dhowaad afartan sano uu soo xukumayay.

Mugabe oo khudbad labaatan daqiiqo socotay  jeediyay ayaa waxaa uu ku gacan sayray dalbka la xiriira inuu xilka wareejiyo, waxaana uu sheegay inuu sii haynayo xukunka wadanka, isagoona sheegay ka taliyaha ciidamada guud ee qalabka sida ahaan  uu garowsanyahay walaaca ay militariga ay qabaan. Waxaa uu sheegay Militariga inay wax qalad ah ku lahayn inay la wareegaan awoodda oo ay xabsi gurri dhigaan.

 

Cadaadiska ugu wayn ee uu hadda wajahayo ayaa ka imaanaya xisbiga Zanu-PF oo shalay xilkii ka qaaday, waxaana ay sheegeen inay kasii qaadi doonaan awoodda madaxwaynaha ee dalka haddii uu isku casilin muddo lix saacacadood maanta oo Isniin ah, iyagoo u maraya baarlamaanka dalka oo kulmaya Talaadada berito si’ay xilka uga qaadaan.

Xiisadda Zimbabwe ayaa soo bilaabatay muddo laba todobaad laga joogo, kadib markii hogaamiyaha 93-jirka ah uu xilka ka qaaday kuxigeenkiisa Emmerson Mnangagwa, islamarkaana uu ku badalay xaaskiisa, tilaabadan oo ka caraysiisay militariga.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com