Baarlamaanka oo Ansixiyay sharciyo muhiim ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay sharciyo muhiim ah

Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad, isla markaana waxaa Goobjoog ka ah 56 Xildhibaan.

Ajendaha ayaa waxaa uu yahay.

1-Furitaanka Ayaadaha Quraanka Kariimka

2-Ansixinta Ajendaha

3-U Codeynta Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.
4-U Codeynta Sharciga Shirkadaha

5-Qeybinta Warbixinta Guddiga ee Odoraska Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2020-ka

6-Qeybinta Heshiiska Aasaasida Wakaaladda Damaanad Qaadka Maal-gashiga

Ugu Horeyntii Mudanayaasha Golaha Shacbka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.

Waxaa Ogalaatay 148 Mudane, Waxaa Diiday 6, waxaana ka aamustay 2 sidaas Darteed Sharciga sidaas ayuu ansax ku Noqday.

Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka aya sidoo kale Cod u Qaaday Sharciga Shirkadaha waxa Ogalaatay 156, wax Diiday majirin, wax ka aamusay Ma Jirin Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday Sharciga Shirkadaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com