Baarlamaanka oo Ansixiyay sharciyo muhiim ah

HomeWararka

Baarlamaanka oo Ansixiyay sharciyo muhiim ah

Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenk

Shacabka Muqdisho & Aragtidda hadalki RW Xamse iyo bixinta Jawaabta Madaxweyne Deni
Madaxweyne Gaas oo Garoowe lagu Soodhaweeyey (dhegayso & sawirro)
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Sawiro)

Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad, isla markaana waxaa Goobjoog ka ah 56 Xildhibaan.

Ajendaha ayaa waxaa uu yahay.

1-Furitaanka Ayaadaha Quraanka Kariimka

2-Ansixinta Ajendaha

3-U Codeynta Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.
4-U Codeynta Sharciga Shirkadaha

5-Qeybinta Warbixinta Guddiga ee Odoraska Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2020-ka

6-Qeybinta Heshiiska Aasaasida Wakaaladda Damaanad Qaadka Maal-gashiga

Ugu Horeyntii Mudanayaasha Golaha Shacbka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.

Waxaa Ogalaatay 148 Mudane, Waxaa Diiday 6, waxaana ka aamustay 2 sidaas Darteed Sharciga sidaas ayuu ansax ku Noqday.

Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka aya sidoo kale Cod u Qaaday Sharciga Shirkadaha waxa Ogalaatay 156, wax Diiday majirin, wax ka aamusay Ma Jirin Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday Sharciga Shirkadaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: