Axmed Madoobe oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Somaliya

Axmed Madoobe oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Somaliya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil Mareykan ah uu hoggaaminayay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Somaliya Col. Thomas Sarrouf.

Kulankan ayaa looga hadlay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerida Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu gaaray magaalada Kismaayo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com